Rajadii Soo Laabasho Ee Wasiirka Qorsheynta [Jamaal] oo ceel ku dhacday 

Somalia news Uncategorized

Warar hordhaca ah ayaa sheegaya in Odayaasha Dhaqanka ee Beesha Warsangeli (Daarood) & Madaxtooyada Puntland ayaa wadda dadaalki ugu dambeeyay oo ay meesha uga saarayaan soo laabashada Wasiirka Qorsheynta Dowlada Federaalka Mr.Jamaal, ee kursiga HOP169, iyadoo la adeegsanayo saxiixaha Rasmga ah…

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni, ayaa Isimka guud ee Beesha Dubeys, Warsangeli, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdullaahi Cartan, u adeegsanaya sidii kursiga HOP169, loo dhaafin lahaa Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan, oo muddo ku daabnaa Farmaajo.

Sida ay noo xaqiijiyeen, xubno ka tirsan, Guddiga doorashooyinka heer dowlad gobolleed ee Puntland, [SEIT] kursigaan ayaa u wareegi kara jufada “Reer Maxamed Cumar” oo ka tirsan beesha Dubays ee Warsangali, oo ka maqnaa matalaadda baarlamaankii 10-aad.

Xoguhu, waxa ay intaas ku darayaan, in Madaxweynaha Puntland iyo Isimka guud ee Beesha Dubeys, oo ka mid ah 135 saxiixayaasha ah, ay isla meel dhigeen in kursigaan loo xiro nin dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Cali Mahdi Maxamed Qalato.

171110cookie-checkRajadii Soo Laabasho Ee Wasiirka Qorsheynta [Jamaal] oo ceel ku dhacday