Kooxo Daacishta Somalia Oo Ku Dagaalamay Buuraleyda Calmiskaad

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso Ee Gobolka Bari (Puntland) ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka ka wada tirsan Kooxda argagixisada Daacishta Somalia ay shalay (Jumcahii) ku dagaalamay Buuraleyda Gobalka Bari, sida ay xaqiijiyeen Saraakiil tirsan ah Hay’adaha Amniga Puntland….

Wararka ayaa sheegay in Dagaalka oo ka dhacay agagaarka Degaanka Dhaadaar ee buuraleyda Calmiskaad, ayaa galaaftay nolasha 5 kamid ah Maleeshiyaadka Labada garab ee Kooxda Daacish Somalia, halka tiro kale oo aan la cayimin ay kaga dhaawacmeen.

Saraakiisha Amniga ayaa sheegaya in Khilaafka labada garab uu muddo oo soo taagnaa wuxuuns salka ku hayaa muran ka la xiriira cida badaleysa Horjoogaha Bukaan socodka ah ee Kooxda Daacish Cabdulqaadir Muumin, oo la ildaran haatan cudurka Macaanka Ee diabetes (Sonkorta).

105330cookie-checkKooxo Daacishta Somalia Oo Ku Dagaalamay Buuraleyda Calmiskaad