Ma Dhabaa in Gabar uu Dhalay Madaxweynihii Maamulkii Kacaanka ay Sheegtay Dhulal ku Yaal Afgooye…

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeeleda hoose ayaa sheegaya in Dibad-baxayaal ay isugu soo baxeen Bartamaha Magaalada isagoo cabsho ka muujiyay sheegasho ka soo yeertay Gabar uu dhalay Madaxweynihii Dowladii Kacaanka iney leedahay Dhulalka Magaalada…

Wararka ayaa sheegaya in Gabar uu Dhalay Madaxweynihii hore ee Somalia laguna magacaabo Suuban Maxamed Siyaad ay sheegatay Dhul ay ka dhisan yihiin ilaa 5000 oo Guri ee Degmada Afgooye, iyadoo soo bandhigtay Dukumentiyo caddeynaaya lahaanshaha Dhulalkaasi, dhawaaqaan ayaa waxaa dibadbax ka sameeyay Dadka Degaanka.

Sanadahaan waxa Somalia ka dhacaya ee ku saabsan sheegashada dhulalka waa wax caadi ah oo laga filan karo Dal kasta oo dib uga soo kabanaaya dagaal sokeeye, waxaa u sii dheer cadaalad darro taariikhi ah oo aan loo helin xal deg deg ah, iyadoo ugu muhiimsan waa in la hubiyo in go’aan kasta oo la gaaro aysan waxyeello u geysan Dadka nugul.

308280cookie-checkMa Dhabaa in Gabar uu Dhalay Madaxweynihii Maamulkii Kacaanka ay Sheegtay Dhulal ku Yaal Afgooye…