Amisom Oo Muddo Kordhin Loo Sameeyay

Somalia news

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay (Security Council) ayaa khamiistii hore wuxuu isku raaciyay in muddada Howlgalada Ciidamada Amisom ee ka howlgala Dalka Somalia loo kordhiyay, Ciidamadaan Ayaa Howlgaladaan soo bilaabay sanadkii 2007-dii…

Sida laga soo xigtay Qoraal ka soo baxay Xafiiska Wakiilka Bowortooyada UK ee Qaramada Midoobay, ayaa lagu sheegay in Xubnaha Golaha Amaanka ay u codeeyeen in Howlgalada Ciidamada Amisom muddo hal sano ah loo kordhiyo si loo gaarsiiyo in Ciidamada Somalia ay hanan karaan sugida amaankeeda.

Ciidamada Amisom oo ka kooban ku dhowaad 20-kun oo Askari, ayaa badankoodu waxey ka soo kala jeedaan Dalalka Uganda, Burundi, Kenya, Ethiopia, Jabuuti, sidoo kale waxaa jira Saraakiil ka tirsan Ciidamada Boliiska oo iyaguna ka kala yimid Dalalka Zambia, Uganda, Ghana, Kenya Nigeria iyo Sierra Leone, kuwaasoo caawiya Boliiska Somalia.

Howlgalada Amisom oo muddo dheer la soo waday Ayaan muuqan iney guulo la taaban karo ka gaareen Dagaalka lagula jiro Kooxda argagixisada Shababka, isla markaasna ah kuwo gaabis ah, taasoo guux ka dhalisay gudaha dalka iyo dibadaba.

98600cookie-checkAmisom Oo Muddo Kordhin Loo Sameeyay