Ardayda Dugsiyada Dhexe & Sare ee Puntland u Fariistay Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Sanadkaan..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Degaanada Puntland ayaa sheegaya in Arday gaaraysa 21,801 oo isugu jira Fasalada 12-aad iyo 8-aad ee Dugsiyada sare iyo dhexe ayaa maanta oo sabti ah u fariistay imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland, halka tiro yar laga horjoogsaday iney galaan Imtixaanaadka…

Wararka ayaa sheegaya in Ardayda sanadkaan ay Imtixaanka ku geleyaan xarumaha Jaamacadaha, inkastoo ay jiraan tiro gaareysa 95-Arday ee Fasalka 12-aad ee magaalada Boosaaso oo cabasho ka keenay in laga hor istaagay iney galaan Imtixaanada sababo la xiriira ineysan heysan Dukumentiyo sax ah oo bedelaada dugsiyada waxbarashadooda la xiriirta.

Maamulka Waxbarashada ee Degaanka Boosaaso ayaa go’aamisay in ardaydaasi aysan ka qaybgalin imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad ee sannad dugsiyeedka 2023 – 2024, iyo in ay dhameystirtaan waxbarashada sanad dugsiyeedka 2024-2025.

328500cookie-checkArdayda Dugsiyada Dhexe & Sare ee Puntland u Fariistay Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Sanadkaan..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com