Digniino laga soo saaray Xagal-daacinta Howlgalada ka dhanka ah kooxda Shababka ee Kacdoonka Dadweynaha

Somalia news

Todobaadyadii ugu dambeeyay waxaa Bartamaha iyo Koonfurta dalka ka socday abaabul xoogan, guluf iyo Kacdoon Dadweyne oo kooxda argagixisada Shabaabka la isaga xoreynaayo, iyadoo magaalada Mogadishu diyaarado looga daabulay Dagaalyahanno, hub, Saanad iyo Saad kuwaasoo gaaray Degaanada Hiiraan & Galguduud…

Wararka ayaa sheegay in Dowlada Federaalka ay ku dhiiri gelisay Ganacsatada iyo Shirkadaha kala duwan iney ka qeyb qaataan Gulufkaan colaadeed, inkastoo ay fiiro gaar ah u baahan tahay kooxo u badan Siyaasiyiin, Odayaal, Gadisley iyo Dhalinyaro iyo Haween ay soo dirsadeen kooxda Argagixisada kuwaasoo Beelaha qaarkoodna ka dhex wada olole balaaran oo lagu joojiyonaayo Colaada wada hadalana la la galo Kooxda Argagixisada Shababka.

Kooxahaan manaxayaasha ah oo ay ku jiraan Siyaasiyiin fashilmay ayaa doonaya in joojinta gulufka uga faa’iideystaan danahooda, waxeyna qorsheyeen hadii ay ku fashilmaan dadaalkaasi, iney Buuq siyaasadeed iyo mid Amaan darro ku furaan Dowlada Federaalka Maamulada Labada Gobol (Hirshabeele & Hiiraan), iyagoo taageerayaashooda si hoose ugu baaqay in magaalada laga bilaabo Ololaha Dhaca Mobile-da & Guryaha si Dowlada loogu eedeeyay iney ka gaabiyeen Amaanka Caasimada.

213130cookie-checkDigniino laga soo saaray Xagal-daacinta Howlgalada ka dhanka ah kooxda Shababka ee Kacdoonka Dadweynaha