Golaha Nabadda & ammaanka Midowga Afrika ayaa soo dhaweeyay howlgalka wadajirka ah ee nabad ilaalinta Somalia isla markaasna lagu dhaqmo cutubka 7-aad Ee Axdiga UN-ka kaasoo sanadka soo socda lagu wado in ballaarinayo sida lagu sheegay Bayaanka…
Qorshahaan waxa uu kaalin weyn ka geysanayaa howlgalka Qaramada Midoobay in ciidamo ay ku garab istaagaan Dalalka ka qaybgalaya inkastaoo tallaabadaan ay horay uga soo horjeesatay Dowladda Somalia, Qorshe howleedka AMISOM oo ku siman dhammaandka 2021 ayaa la filayaa in la dheereeyo si loo gaarsiiyo 2027-ka, balse waxaa wax ka bedel lagu sameynayaa howlahooda si loo ballaariyana loo baahan yahay in Qaramada midoobay kaalin muuqato ka qaadato.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa bixiya fasaxa muddo kordhinta Ciidamada Midowga Afrika, Wargayska The East African ayaa 28-kii August 2021 daabacay warbixin uu xogteeda kasoo xigtay khubaro ku dhaw qorshahaan.