Soomaalida Kenya Oo Cabsi Soo Food Saartay

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa xaalad cabsi Oo soo food saartay qeybaha kala duwan ee Soomaalida ku nool Dalka Kenya gaat ahaan kuwo ka ganacsada Xaafada Islii, iyagoo loo diray digniino la xiriira ineysan u dabaal degen Go’aanka Maanta la filaayo iney ku dhowaaqdo Maxkamada ICJ…

Go’aanka Maxkamada ICJ ayaa la saadaalinayaa inuu jiho kale u weeci karto xiriirka iyo wada-noolaashaha shucuubta iyo dowladaha labada dal, Waxaa laga cabsi qabaa in banaanbaxyo xoog leh ay dhigaan dadka reer Kenya oo boob loo geysto megeradaha Ganacsiga Soomaalida ee Nairobi, hadii Soomaaliya loo xukmiyo badda, maadaama dadka Kenyaanka ah ay aad ugu han-weyntihiin sida Soomaalida in xukunka badda ay ku guuleystaan.

Guddi ay ku mideysan yihiin Ganacsatada Soomaaliyeed ee magaalada Nairobi ayaa xalay la kulmay Guddiga Amniga ee Kenya, waxayna kala hadleen khatarta ka dhalan karta hadii shacabku ka gadoodo xukunka Maxkamada, waxaana loo balanqaaday iney Dowladu diyaarineyso ciidamo Boliis ah oo ka howlgala Islii isla markaasna amaanka suga.

144560cookie-checkSoomaalida Kenya Oo Cabsi Soo Food Saartay