Ma Dhabaa in Khilaaf Xoogan uu soo kala Dhex galay Saraakiisha Safaarada Somalia ee Addis abeba

Africa News Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa gacan ka hadal xoogan oo ka dhex qarxay Shaqaalaha Safaaradda Somalia ee Caasimada Ethiopia, dagaalkaan ayaa salka ku haya dhaqaalaha kasoo xarooda Qidmada dalbashada Dal ku galka (visas) India oo laga qaadi jiray 50-US$ Muwaadinkiiba…

Siihayaha safaaradda (Cali Maxamed Xuseen Atam) iyo Qunsulka ayaa isku qabsaday dhaqaalahaasi, waxaana dhacday iney Siihayaha Safaarada ay Accountiga Safaarada kala baxday 75000 US$, halka uu Qunsunlka ay la baxday 14000 US$ oo banki kale ku jirtay.

Bilihii ugu dambeeyay waxaa Safaaradda ee Ethiopia uu ka taagnaa isqab qabsi dhanka Awooda ah iyo musuqmaasuq xargo goostay taasoo ceeb ku ah Maamulka Xasan Gurguurte inuu soo fara gelin waayay Xiisadaan ka taagan Safaarada Somalia taasoo gaartay in dhaqaalihii la boobo.

236090cookie-checkMa Dhabaa in Khilaaf Xoogan uu soo kala Dhex galay Saraakiisha Safaarada Somalia ee Addis abeba