Dabley Ka Tirsan Xoogaga Amaanka Puntland oo Garab Ardayada ah ku Dileen Magaalada Garoowe..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Dabley ka tirsan Xoogaga Maamulka Puntland ayaa dilay Marxuumada Ubax Yaasiin Cali Ardayda oo dhigan jirtay mid ka mid ah Jaamacadaha Garowe falka ayaa ka dhacay galinkii dambe Maanta xaafadda Hodan ee magaalada Garoowe..

Wararka ayaa sheegaya in Marxuumada ayaa la sheegay inuu dilay mid ka mid ah 3-Dabley ah oo sida la sheegay ku labisnaa Dharka ciidamada Puntland, kuwaasoo markii ay falka geysteen ka baxsaday goobta, waxaana xabada ay u geeriyootay kaga dhacday Madaxa, Boliiska Magaalada ayaa weli ka hadlin dhacdadaan dilka ah.

Shacabka ku nool magaalada Garowe ayaa marar badan cabasho ka muujiyay falal ammi darro oo inta badan ay gaystaan askar ka tirsan ciidamada Maamulka Puntland, kuwaasoo xiliyada habeenkii Iyagoo saqraansan Xabado la beegsada Dadka Rayidka.

311300cookie-checkDabley Ka Tirsan Xoogaga Amaanka Puntland oo Garab Ardayada ah ku Dileen Magaalada Garoowe..