Baarlamaanka UK Oo La Horgeynaayo Dood La Xiriirta Somaliland

Somalia news

Baarlamaanka UK ayaa Talaadada beri ah lagu wadaa in muddo kooban uu dhegaysto dood ku saabsan madaxbanaannida Maamulka Somaliland oo uu usoo gudbin doono xildhibaan Gavin Williamson oo laga soo doorto Koonfurta Magaalada Staffordshire..

Doodda oo ah mid uu Xildhibaanku ku soo gebagabeyn doono fadhiga maalintaas ayaan la fileyn in wax go’aan ah uu ka gaaro Baarlamaanka, Ma ahan markii ugu horreysay oo baarlamaanka UK uu dhegaysto dood ku aaddan aqoonsiga Somaliland oo sheegtay in 1991 ay ka go’day Somalia inteeda kale.

Bishii December sanadkii 2019, 11 xildhibaan oo u badan xisbiga Labour-ka ayaa gudbiyay mooshin ah in Baarlamaanka UK uu aqoonsado Somaliland, maadaama ay ahayd “maxmiyad ay Britain xukumi jirtay”.

162740cookie-checkBaarlamaanka UK Oo La Horgeynaayo Dood La Xiriirta Somaliland