Mr.Dani “Khilaafka xiliga kala guurka waa mid salka ku haya isla saxnaanta qofka”

Somalia news

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mr.Saciid Dani oo hadal ka jeediyay munaasabad lagu maamusayay labo sano jirsiga maamulkiisa ayaa cadeeyay waxyaabaha keena is qabqabsiga & muranka xiliyada kala guurka (Geedi socodka) Dalka….

Madaxweynaha Deni ayaa sheegay in khilaafka Siyaasiga ah uu salka ku hayo isla saxnaanta shaqsiyaadka kala duwan, wuxuu difaacay in Shaqsiyaad & Madax dusha laga saaro sababta muranka, balse waxa uu tilmaamay in qof waliba uu isla saxan yahay marka la gaaro xiliyada kala guurka.

“Khilaafka xiligaan & xiliyada soo socda ma ahan mid meel kale yimid, balse waxa uu ka dhalanayaa isbadalka dalka, maadaama waddanka uu marba heer gaarayo oo dhismaya, waana qasab in la is qabto, nin waliba wuu isla saxan yahay wuuna ku doodayaa, Laakiin waxaa loo baahan yahay in dabaqabad la yeesho” Deni.

Madaxweynaha DG Puntland ayaa sheegay in haddii qof waliba uu si dhab ah uga soo baxo doorka & kaalinta uga aadan dhismaha & Dooraashada Madaxda laga gudbi karo caqabadaha jira oo aan u baahneen in waqti dheer dadka ku qaadato ka gudubkooda.

Siciid Deni waxa uu shuruud ku xiray soo gudbinta Guddiga wakiilka uga noqonaya Doorashadooyinka gaar ahaan Labada Gole ee saami ahaanta uga soo aaday qaybsiga kuraasta Baarlamaanka Federaalka, waxa uu taageeray Shuruudda Axmed Madoobe oo ah in Gobolka Gedo Dowladda ka qaado Ciidanka ay geysay.

85550cookie-checkMr.Dani “Khilaafka xiliga kala guurka waa mid salka ku haya isla saxnaanta qofka”