Banaanbaxyo Ka Dhacay Degmada Qansaxdheere

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Gobolada Bay iyo Bakol ayaa sheegaya in Shacbiga Goboladaasi ay ka cabanaayaan go’doon muddo Dheer ay ku Hayaan Kooxda argagixisada Shababka, waxeyna cod Dheer ku dalbadeen in Maamulka Konfur galbeed iyo Dowlad Federaalka iney ka qaadaan Go’doonka lagu hayo Shacbiga labadaas Gobol ku nool…

Hase yeeshee waxaa ayaan darro ah in Ciidamada Dowlad goboleedka K/Galbeed lagu soo daadiyey Magaalada Qanaaxdheere ee gobolka Bay, kadib marki ay dadka Degmada isku Balansadeen Banaabax lagu muujinaayo Xaalada Nolol xumo ee ka jirta Magaaladaasi Qanasaxdheere.

Waxeyna ku hanjabeen iney dili doonaan cidii ka qeyb qaadata dibadbaxyada, sidoo Ciidamada Ethiopia Ee sugan degmada ayaa la sheegay iney xeryaha ka soo baxeen.

#La Soco wixii ku soo kordha#

88010cookie-checkBanaanbaxyo Ka Dhacay Degmada Qansaxdheere