Bangiyada Ganacsiga ee Dalka & Saameynta Xoogan ee Xawaaladaha oo Horumarka Ganacsiga u Dabran..

Business Somalia news

Ku dhawaad laba sano ayaa ka soo wareegatay markii Dowladda Federaalka ay shati Bangi siisay Banque Misr iyo Ziraat Katilim, ayaan darrose labada Bangi ma aysan bilaabin howlaha Ganacsiga Bangiyada Somalia, Aqoonyahannada u doodayey in qaybta bangiyada loo furo Bangiyada Shisheeye ayaa doododa ku saleeyay in Bangiyada Wadaniga ahi ay ku qasbi doonaan inay kor u qaadaan heerkooda si ay ugu tartamaan gudaha…

Khubarada ayaa soo jeediyeen in Tartamayaashe ay soo bandhigaan hanaan damaanad qaadaya Keydka, iyagoo soo jeediyay in haddii Bangi shisheeye uu fuliyo dammaanad qaadkan, bangiyada kale ee Soomaaliyeed ay ku dayan doonaan”, waxaana meeshi si fudud uga bixi doona Kaalinta Xawaaladaha ee sida Bangiyada u shaqeeya balse Xawilaad ku eg.

Gaaritaanka yoolkan u hiilinta macaamiisha ayaa laga cabsi qabaa iney wajahaan caqabado badan, gaar ahaan maqnaanshaha xeerar damaanad qaadata Hantida iyo Xuquuqda Macaamiisha ee Bankiga dhexe ee Dalka, iyadio Howlwadeenada Bangiga Dhexe ay ayaa amaan ku heleen iney ka gaabsadaan isku dayo inuu ku maamulo suuqa sida fudud loo maamulo ee Somalia, inkastoo xiligaan uusan jirin Lacagta Shilin Soomaaliga Dowladana ka gaabisay in dib loo soo nooleeyo, waxaana kaalintaasi buuxiyay US$, ahna xiligaan midka ugu kalsoonida badan marka loo eego shilinka Soomaaliga.

Marka laga soo tago khataraha Hay’adaha, kuwa Ceymiska oo xiligaan aan ka dhisneyn Dalka ayaa dhibaato ku ah Horumarinta Ganacsiga, ku darsoo waxaan jirin aqoonta tignoolajiyadeed oo mararka qaarkood ku keenta inay awoodi waayaan inay la baxaan lacag badan oo US$ ah oo Naqdi ah, Bangiyada qaarkood waxay isku dayaan inay ku qanciyaan kaydiyeyaasha inay dhaqaalahooda ku wareejiyaan akoon kale oo hadda jira halkii ay ku bixin lahaayeen lacag adag oo caddaan ah. “Bangiyada Somalia waxay ka walaacsan yihiin socodsiinta bangiyada marka ay jiraan arrimo tignoolajiyadeed ama marka macaamiishu ay kala laabtaan kaydkooda,” ayuu yiri la-taliyaha Bangiyada ee Muqdisho.

Ma cadda sababaha gaabiska ku keenay furitaanka Laamo ay bangiyada Shisheeye ka furanayaan Somalia, Dadka u ololeynayay oo ay hormuud ka yihiib Xawaaladaha maxaliga ah ee ku aadan dib u dhigista soo galitaanka Bangiyada Shisheeye ayaa laga yaabaa inay saameyn ku yeelato go’aannada Bangiga dhexe, kaasoo aan xog ku filan ka haysan qeybta bangiyada tafaariiqda. Awood la’aanta Bangiga Dhexe ee inuu daabaco lacagta ayaa xaddidaysa awooddiisa siyaasad-dejinta dhaqaalaha & suuqa xorta ah Waxaase yaab leh in shirkii Maalgashiga ee dhawaan lagu qabtay magaalada Muqdisho aan laga fiirsan khataraha ay la kulmaan dadka wax badbaadiya ee Somalia marka ay bangiyada Shisheeye ka furanayaan Laamo Bangiyada Dalka.

324550cookie-checkBangiyada Ganacsiga ee Dalka & Saameynta Xoogan ee Xawaaladaha oo Horumarka Ganacsiga u Dabran..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *