Shababka Oo Xusay Sanad-Guuraadii Xarakadii Daraawiishta

Somalia news

Warbaahinta Kooxda argagixisada Shababka ayaa xalay Baahisay cod uu soo duubay Horjoogaha guud kooxda kaasoo uu kaga hadlay halgankii 100-guuraadii Daraawiishta iyo Hogaamiyahoodii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, Fariintaan oo xambaarsaneyd Xiriirka ka dhaxeeya Halgankii Daraawiishta iyo Kan Kooxda Shabaabka…

Horjoogaha Shababka ayaa is barbardhig ku sameeyay, wuxuuna sheegay inuusan farqi weyn u dhaxeynin, isagoo sheegay in dagaalka ay ka wadaan Somalia ay kula jiraan shisheeye, balse shisheeyuhu uu gacan ka helayo dad Soomaaliyeed oo ka hiilinaya iyaga, wuxuu sheegay in maanta xaaladda ka jirta Dalka ay ka darantahay tii xilligii Daraawiishta, oo shisheeyihii xilligaas ay hadda soo casriyoobeen.

Dhanka kale, Aqoonyahann xogogaal u ah Taariikhda Halganka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Muran xoogan uu ka taagan yahay sheegashada Muwaadinka u taagan Qadiyada Somalia, iyadoo Mr.Farmaajo uu isna sheegto in Halgankiisu uu yahay mid u ek kii Sayidka.

Hadaba, Yaa Runta sheegaya Kooxda Shababka Iyo Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo oo mid walba halgankiisu ku sheegay inuu Sayidka xiriir la leeyahay.

98910cookie-checkShababka Oo Xusay Sanad-Guuraadii Xarakadii Daraawiishta