Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Qaraxii Tixsiile

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax saakay la la beegsaday Kolonyo ay la socdeen Gudoomiyaha Gobolka Sh/Hoose, Axmed Cabdullaahi (Beer Yare) Taliyaha Ciidanka Danab iyo Taliyaha Guutada 7-aad Axmed Gaashaan oo labadooduba kusoo dhaawacmay Qarax lala beegsaday ayaa la dhigay Isbitaalka Xerada Xalane ee Muqdisho halkaas oo hadda lagu daaweynayo….

Xogtaan ayaa sheegtay in Qaraxaan oo nooca miinada ahaa ayaa ka dhacay degaanka tixsiile, waxaana la bartilmaameedsaday laba Sarkaal oo ka soo wada jeeda Beelaha HG (Ceyr-Cabsiiye), kuwaasoo gaarigii ay la socdeen si la yaab loogu bartilmaameedsaday Qaraxa Miinada, falkaan ayaa u muuqda in xogtoodu bannaanka ay u baxday oo xitaa la ogaa baabuurka ay saarnaayeen.

Taliyaha Danab Axmed Beer Yare waxaa jajabay Labada lugood, naqaskuna wuu ku dhagan yahay, taasoo muujinaysa sida xaaladdiisa ay halis u tahay, Qaraxaan ayaa ku geeriyooday 6-Askari ka tirsan Danab iyo Guutada, iyadoo sidoo kale la sheegay in Lab Shaqaalaha Shirkada Bankroft ay dhaawacyo ka soo gaareen miinadaasi.

87550cookie-checkWararkii Ugu Dambeeyay Ee Qaraxii Tixsiile