Farmaajo Yaa Culeys Ku Saaray Taageerida Heshiiska Doorashada

Somalia news

Xalay saqdii dhexe ayeey Saraakiisha Villa Somalia baahiyeen khudbad la soo jar-jaray lagana soo duubay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Farmaajo oo saacado la sugayay ka hor baahinteeda, Khudbada ayaa socotay 8-45 minute…

Fariinta Khudbada ayaa laga dheehan karay Dareen la’aan, niyad-jab, marin habaabin iyo awr-ku-kacsi Dhalinyarada nolol raadiska ah, wuxuuna is hilmaamsiiyay hadalladii uu ku weerarayay doorashooyinka si uu u baajiyo inuu gudbinayo fariin ka duwan kuwiisii hore Ee caadifada Qabiil ku dhisnaa.

Yaa ka dambeeyay hadal jeedinta:-

Sida Ilo Wareedyo ay u xaqiijiyeen Warsidaha Diinah.com news, Farmaajo wuxuu xiriir telefoon dhexmaray wakiilo ka socda Beesha Caalamka, waxaana loogu goodiyay in haddii uu kahor yimaado shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo heerka uu soo maray marqaati ka yihiin maadaama ay ka qaybgaleen, waxeyna u sheegeen inuu jeediyo Khudbad uu ku taageeraayo Go’aanka.

Madaxda Maamulada Ee saaxiibka la ah Farmaajo ayaa Wakiilada Beesha Caalamka culeysyo ku saareen iney saxiixaan Heshiiska, isla markaasna talaabadaan ayaa wadada u horseeday in deg deg u duubo Khudbad taasoo soo af jartay muddo sanad ah Oo afduub uu ku heystay Qabsoomida Doorashada.

161450cookie-checkFarmaajo Yaa Culeys Ku Saaray Taageerida Heshiiska Doorashada