Beesha Caalamka Oo Noqotay Caqabada Hortaagan Doorashada Somalia

Somalia news

Tan iyo markii loo soo magacaabay Danjiraha Somalia Mr.Donald Yamamoto wuxuu si aan xiishood laheyn u taageeray Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo, isagoo ku dhiiri geliyay inuu ku tunto Shuruucad iyo Daatuurka Dalka, iyadoo ay sii dheer tahay caburinta, dilalka qorsheysan iyo fududeynta qaraxyo tixane ah…

Danjirahaan Carkowga ah iyo Wakiilka UN-ka Ee Somalia ayaa la sheegay iney ku dhiiri geliyeen Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday inuu Doorashada Somalia shuruud uga dhigo in Beeshiisa oo Xubnaha Xildhibaanada ah uu isaga soo xulo (Gobolka Gedo), hadii kale aan Doorasho laga qaban guud ahaan Somalia.

Sidoo kale Kooxaha Mucaaradka ayaa iyaguna lagu Eedeeyay ineysan heerkooda garasho gaarsiisneyn waxa ay xaqa u leeyihiin iyo in Ka hadalka Qodobada masiiriga ah ay meel adag iska taagaan oo aaney gorgortan ka gelin, maxaa yeelay Labada Wakiil iyo Danjiraha Qatar diyaar uma ahan iney ka shaqeeyaan Maslaxada Shacbiga Soomaaliyeed.

Ilaa la helo Hogaan Mucaarad ah oo wadaniyada ku weyn tahay, isla markaasna si cad uga hortaga Kooxahaan shisheeyaha ah oo gashan Shaatiga Diblomaasiga kuwaasoo aan dooneynin in dalkaan Nabad iyo Nidaam adag oo Cadaalad ku dhisan lagu soo dabaalo. Isla markaasna Shacbiga ku maaweeliya Qoraal Twitter ah oo wakhti lumis ah.

Weli na maqlin in Muwaadiniin Mucaarad ah oo ay canaanta Danjirayaal ka door bidaaya kaalintooda Hormuudnimo Ee Qarankooda, waana sharaf dhac iyo karaamo darro, in Hogaanka Mucaaradka kaalintooda ka soo bixi waayaan. ( Somalia Cidna uma Maqna Ceelna uma qodna).

94690cookie-checkBeesha Caalamka Oo Noqotay Caqabada Hortaagan Doorashada Somalia