Maxkamada Cadaalada Oo Diiday Dalabkii Kenya

Somalia news

Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ ayaa diiday dalabka Kenya ee ahaa in dib loo dhigo kiiska dacwadda Badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya. Maxkamadda ayaa mar kale ku celisay in dhageysiga kiiskaas ay dhici doonto 15 bisha March oo ahaa xilligii horay loo muddeeyay…

Wakiilada Somalia ayaa carabka ku dhuftay in Maxkamadda ay Somalia iyo Kenya ku wargelisay in dacwadda la dhageysan doono 15 ilaa iyo 19-ka bisha soo socda ee March, una u soo diyaar garoobaan.

Dowladda Kenya ayaa markii afaraad ka codsatay in dib loo dhigo dhagaysiga dacwada iyadoo ku sababaysa cudurka Covid 19 inuu saameyn ku yeeshay dalkeeda.

94720cookie-checkMaxkamada Cadaalada Oo Diiday Dalabkii Kenya