Bisha Barakeysan ee Ramadan 1446 AH & Faa’iidada Jirka…

Health Somalia news

Maalinta Berito waxaa lagu wadaa iney bilato Bisha Barakeysan ee Ramadan 1446-AH, Bishaan oo ugu xurmada badan Islaamka, af xirka Quudka bishaasna ay tahay cibaado Waajib ah in ka badan 2-Bilyan oo Musliim caalamka ku nool ay gutaan, iyadoo Afurka iyo saxuurtu ay tahay Wakhtiyada gabal dhaca iyo Saqda dhexe in wax la cuno…

Khabiirada Caafimaadka ayaa isla meel dhigay in faa’iidooyinka iyo dibu dhacyada ay keeni karaan helida Raashin nafaqaysan, sidoo kale daraasado ayaa xusaya in soonku sababo in caafimaadkagu kor u kaco, waxaa dul istaageyna waxyaabaha si gaara uu ugu leeyahay faa’iidoonka gaarka ee ka muuqan kara jirkaaga.

Dheefshiidka iyo Hormoonada

Marka aanad wax cunin in muddo ah, jirkaagu waxa uu la qabsanayaa isbeddelka heerarka hoormoonka si uu baruurta jidhka ku kaydsan uga dhigo mid la heli karo oo loo bilaabo hababka hagaajinta, waxa kaloo jira isbedel ku yimaada muujinta hidde-sidaha kaasoo kordhiya awooda murqahaagu si ay u isticmaalaan dufanka.

Hoos u Dhaca Miisaanka

Daraasado lagu sameeyay barnaamijyada soonka ee joogtada ah si loo go’aamiyo haddii ay waxtar u leeyihiin hagaajinta habka jidhka iyo calaamadaha caafimaadka kiliinikada ee la xiriira cudurka, iyadoo Khabiiradu isku raacssn yihiin in mudada dheer aadan wax cunin ay cafimaad u yihiin habdhiska jirka iyo dhimista miisaanka qofka.

Waxaa tilmaamaha caafimaadku muujiyaan in Soonka uu jirka u leeyahay waxtar dhimista miisaanka kaas oo hoos u dhaco 3% ilaa 7% dufanka jidhka halka wadarta a kolestaroolka ay ka dhigto 10% ilaa -21%, iyo triglycerides (≈14%-42%) ee dadka miisaanka caadiga ah.

Xakameynta Sokorta

Daraasado dhowr ah ayaa taageeraya soonka si ay u wanaajiso xakameynta sonkorta dhiigga oo ay suurtagal tahay in ay yareyso khatarta cudurka macaanka, in kasta oo jinsiga laga yaabo in uu qayb ka qaato waxaana loo baahan yahay daraasado badan, Bukaanada qaba nooca 2-aad ee sonkorowga, faa’iidooyinka soonka ee joogtada ah waxaa ka mid ah hoos u dhaca gulukooska soonka iyo insulinta soonka, yaraynta caabbinta insulin iyo hoos u dhaca heerarka hoormoonka rabitaanka cuntada, leptin.

Wadnaha

Daraasaduhu waxay soo jeedinayaan in soonka joogtada ahi uu yarayn karo qaar ka mid ah arrimaha halista u ah cudurrada wadnaha – oo ay ku jiraan cadaadiska dhiigga, kolestaroolka iyo calaamadaha caabuqa, Cilmi baarisyada qaarkood ayaa soo jeediyey in soonka joogtada ah uu si weyn faa’iido ugu leeyahay cudurada haleela wadnaha kuwaas oo intooda badan xakamayn xadidnayn uu soonko sababo.

362320cookie-checkBisha Barakeysan ee Ramadan 1446 AH & Faa’iidada Jirka…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *