Miyeey Caasimada Mogadishu Xiligaan u Baahan Isbedel Dhanka Maamulka ah…

Somalia news

Todobaadkii ugu dambeeyay waxaa Magaalada Mogadishu ka taagnaa dhibaatooyin ka dhashay Roobabka Mahiigaanka ee ka da’aayay, iyadoo Wadooyinka qaarkood ay fadhiyaan biyo wasaq ah, hal burbur xoogan oo soo gaaray Wadooyinka qaarkood oo dhawaan la dayactiray, waxaana ka dhashay Caafimaad darro…

Caasimada runtii waxay u baahan tahay xiligaan isbedel Hogaan la aamini karo lana xisaabtami karo, waayo waa wax aan la aqbali karin in arrimuhu sidan ku sii socdaan, Waxaa hubaal ah in Shacbiga Muqdisho degan ay ka dhiidiyaan adeeg xumada Hogaanka Caasimada, Dowladda Federaalka iyo Maamulka Gobolka ayaa Muwaadin kasta ka qaada Canshuur, balse adeegyada la bixiyo ma ahan kuwo ku filan dhibaatada taagan.

Waxaa hubaal ah in aan Cassimada Muqdisho uga baahan tahay isla xisaabtan dheeraad ah, halka Gudomiyaha Gobolka (Mr.Borsaani) uu sheega “Aniga ilaaheey dartiis ayaa u shaqeeyaa markii aan xil qabto” Laakiin waxaa rabaa inaa weydiiyo hal su’aal oo ah Guddoomiye sidee sanad kasta Dhibaatada Roobabka magaalada looga bixi karaa.

Ku darsoo Shalay markii uu soo degay Madaxweynaha waxaa kolonyadii galbineysa ku adkaatay wado ay maraan, Wadada KM-4 waxaa fadhiya biyo wasakheysan, Wadada jayga Aviosioni waxaa gaaray burbur baahsan, Wadada Dugsiga Sare Boliiska waxaa fadhiya biyo, marka Madaxda Soomaalida way hadal qurxoon yihiin laakiin dhab kama ahan hadalkaas markii la eego shaqadooda.

287470cookie-checkMiyeey Caasimada Mogadishu Xiligaan u Baahan Isbedel Dhanka Maamulka ah…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com