QM oo ku Baaqday in Mag-dhow Dhaqaale Laga Siiyo Tacadiyadii Gumeysiga ee Qaarada Africa..

Africa News World

Bilihii ugu dambeeyay waxaa soo kordhaayay tirada Inqilaabyada ka dhacaaya Qaarada Africa, kuwaasoo salka ku haya Saameynta Dalalka Europe iyo USA oo Siyaasiyiin maalin macaash doon ah Talada Dalalka Qaarada ku ilaaliyo si loo dhaco Kheyraadka isla markaasna deeqo magac u yaal ah loo siiyo, Talaabooyinkaan ayaa horseeday in Dhalinyadii Qaarada ay Qaxooti ka miciin bidaan…

Qarmada Midoobey ayaa kula talisay wadamada Reer Galbeedka iney qaadaan tilaabooyin kala duwan oo ay ku jiraan magdhow lacageed oo laga bixiyo gumaysiga iyo addoonsiga lagu hayo dadka ka soo jeeda Qaarada Afrika, inkasta oo uu dheer yahay waqtiga kasoo wareegtay iyo dhibka laga mudan karo in la bar garto dembiilayaasha iyo dhibanayaasha, sida uu dokumentigu qeexayo.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Antonio Guterres oo ka hadlay warbixinta la sii daayey Talaadadii, ayaa sheegay “Dhibaatooyinka taa laga marayaa saldhig uma noqon karaan baabi’inta jiritaanka waajibaadka sharci ee jira.” Wuxuuna carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Shucuubtu ay muujiyaan sida ay uga go’an tahay wax ka qabashada dhibaatooyinka joogtada ah ee adoonsiga.

“Ma jiro Dal si buuxda u xisaabiyey wixii la soo dhaafay oo ka hadlay dhaxalkeeda casriga ah” ee si “cunfiga” ah xididdada loogu siibey 25 milyan ilaa 30 milyan oo qof oo Afrikaan ah,” ayay warbixintu sheegtay, muddo dheer ayeey Dowladaha Afrika iyo Cariibiyaanka iyo dadka u ololeeya arrintan ayaa waxay ku baaqayeen in lala xisaabtamo adoonsiga iyo gumaysiga dalalkooda.

278090cookie-checkQM oo ku Baaqday in Mag-dhow Dhaqaale Laga Siiyo Tacadiyadii Gumeysiga ee Qaarada Africa..