Boliiska Caalamiga Ah Oo Jawaab Ka Bixiyay

U.S. World

Boliiska Caalamiga ah (Interpol) ayaa jawaab rasmi ah ka soo saaray Dalab ka yimid Boliiska Dalka Iiran ee ku aadanaa Gacan ka geysashada soo qabaashada Madaxweynaha Dalka Mareykanka Mr.Donald Trump…

Guddiga Sare ee Intepol Oo xaruntoody tahay Magaalada Paris ee Dalka France, ayaa war saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay iney diideen codsi uga yimid Boliiska Iiran, sidii gacan looga geysan lahaa Soo qabashada Madaxweynaha Dalka Mareykanka oo lagu eedeeyay inuu bixiyay amarkii lagu bixiyay dilkii Gen.Suleymani Madaxii Ciidamada khaaska ah ee Qudus Force’s.

Guddiga ayaa sheegay in codsigaasi uu yahay “mid Siyaasadeysan”, “ Habraaceenu ma oggolaanaayo inaan fara gelino arrimaha salka ku haya Siyaasada”, iyagoo intaasi raaciyay in dalabkaasi uusan aheyn mid caadi ah, Xeer Ilaaliyaha guud ee Dalka Iiran ayaa sheegay iney diyaariyeen gal dacwadeed dhan ka ah Madaxweynaha Mareykanka iyo 30 eedeysanayaal kale kuwaasoo dhamaantood ka tirsan Ciidamada iyo Sirdoonka Mareykanka.

45140cookie-checkBoliiska Caalamiga Ah Oo Jawaab Ka Bixiyay