Wararkii Ugu Dambeeyay ee Doorashada Xulashada Madaxweynaha iyo Kuxigeenkiisa ee Puntland

Somalia news

Waxaa Maanta lagu wadaa in qabto Tartanka Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka, iyadoo ay isu diiwaan-geliyay 11-Musharrax taasoo tirada guud ka dhigaysa 22 Musharrax balse warar lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in qaarkood ay tanaasuli doonaan ka hor inta aysan Doorashada bilaaban…

Odoroska ayaa tilmasmaya in Musharrixiin kooban ugu badnaan (4) ay isku soo hari doonaan tartanka Xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka, waxaa xalay magaalada laga qeybiyay lacago badan oo loo badinaya in ay Safka hore ka galaan Doorashada inkastoo aysan mar kasta Lacagtu go’aamin Natiijada Doorashada.

Ololaha kala jiidasha Xildhibaannada ayaa si weyn saacadihii u dambeeyay uga socday magaalada Garoowe iyadoo Musharrax kasta xoogga saarayo inuu helo codad uu ku soo baxo wareega hore, waxaa degan jawiga magaalada iyadoo la xoojiyay amaanka goobta iyo guud ahaan magaalada, Guud ahaan gaadiidka Xamuulka ah iyo kuwa rakaabka ee Laamiga dheer ayaa sidoo kale laga joojiyay in ay Garoowe dhex maraan Maanta inta lagu jiro Doorashada.

299400cookie-checkWararkii Ugu Dambeeyay ee Doorashada Xulashada Madaxweynaha iyo Kuxigeenkiisa ee Puntland