Boaortooyada Sacuidiga Oo Soo Saartay Awaamiir la Xiriirta Acmaasha Xajka..

World

Wararka naga soo gaaraya Dalka Bowortooyada Sacuudiga ayaa sheegaya iney soo saareen amaro cusub oo la xiriira imaanshaha Dalkaasi, iyagoo Dadka doonaya inay Xajka gutaan la wadaagtay Qodobada mamnuuca ah iyo awaamiir la rabo inay raacaan iney ay ku sugan yihiin Goobaha Cibaadada..

Amaradaan ay soo saartay Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ayaa lagu faray in Xujeyda kaash ahaan u qaadan karaan lacag ka badan SR60,000 ($16,000) amaba dahab laga doonayo inay Dowladda ogeysiiyaan,“Fadlan ka fogow qaadashada lacag faro badan iyo alaab qaali ah marka aad u safreyso boqortooyada” ayaa lagu yiri Farriin ay Wasaaraddu soo dhigtay barteeda Twitter-ka.

Xujeyda ayaa laga doonayaa inay buuxiyaan foom, iyagoo caddeynaya inay sitaan, waxyaabo ay ka mid yihiin Lacag ka badan SR60,000, Dahab qiimihiisu ka badan yahay SR60,000, allaab ganacsi oo qiimaheedu ka badan yahay SR3,000, qaadashada alaab mamnuuc ah, Inuu qofku sito baco ama alaab ka badan miisaanka la oggol yahay.

Sacuudiga ayaa Sanad walba taariikh iyo waqti go’an u qabata xilliga la tagayo Makah inta Xajka lagu guda jiro, albaabbada magaalada ayaa la xiraa waxaana keliya loo oggolaadaa dadka heysta kaarka aqoonsiga xaajiga iyo dadka u cumreysanaya, si looga fogaado isbuurashada loona hubiyo badqabka dadka gudanaya Xajka.

258020cookie-checkBoaortooyada Sacuidiga Oo Soo Saartay Awaamiir la Xiriirta Acmaasha Xajka..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com