Share the post "Boliiska Finland oo Tarxiil ka Bilaabi doona Qaxootiga Somalia ee Dalkaasi ku nool…"
Kadib markii ay heshiis hordhac ah wada gaareen todobaadkii tagay Dowladaha Finland iyo Somalia, kaasoo nuxurkiisu yahay in dib loo tarxiilo Soomaalida Magan-geliyo doonka ah, talabadaan oo noqon karta mid ay dood iyo qeylo dhaan ka keenaan ururada xuquuqda u dooda…
Dhaleeceeyayaasha Heshiiskaan ayaa welwel ka muujiyay ajandayaasha laga leeyahay heshiiskaan gaar ahaan Xisbiga Finns, iyadoo la eegaayo Doorashooyinka Degaanada iyo Gobolada ee Dalka Finland oo lagu wado iney qabsoomto Bisha April ee Sanadkaan, iyadoo heshiiskaani uu salka ku hayo Nidaamka qasab dib u celinta iyo arrimaha Amaanka.
Dad badan ayaa yaqiinsan in talaabadani ay tahay mid siyaasadeysan oo doorashooyinka dhibco looga raadsanaayo & in Dowlada Finnish-ka ay culeyso ku saartay Somalia joojinta Gargaarka iyo deeqaha Caafimaadka si loo oggolaado Tarxiilka, Kulankaan ayaa waxaa culeys saar ahaan uga qeyb galay Wakiilka KMG ee UN-ka Somalia iyo Ergeyga EU-da, iyadoo Madaxa Xisbiga Finns Riikka Purra ahna Wasiirka Maaliyada ay aad u soo dhoweysay heshiiskaasi.
Laba-daraadle, Dadka u dooda Qaxootiga ayaa qaba iney siyaasado ka dambeeyaan doonista in la dhibaateeyo Qaxootiga Ka soo jeeda Somalia oo heshiiskaan khuseeyo, waxaana lagu wadaa in 200-Qof uu saameyn doono oo aan sharci ku heysan Dalka Finland, Maamulka Fashilmay ee Villa Somalia ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo heshiiska ay la gaareen Wasiirka Arrimaha gudaha ee Finland.