Rabshado & Naceyb Ka Dhashay Ciyaaraha Maamul-Goboleedyada & Laamaha Amniga oo Gabay Xakameynta..

Somalia news

Warbixino welwel xambaarsan ayaa daaha ka rogaaya in Naceyb iyo kala fogaasho Qabiil ku dhisan ayaa ka dhashay Ciyaaraha Maamul Goboleedyada + Gobolka Benadir oo ka socda magaalada Mogdishu, iyadoo lagu eedeeyay Wasaarada, Xiriirka Kubada Cagta, Boliiska Gobolka iyo NISA iney ka gaabiyeen xakameynta Taageerayaasha iyo Ciyaartooydaba…

Iyadoo markii 4-aad ay Wasaaradu hakad gelisay sii socoshada Ciyaaraha kadib rabshado ka dhacay cayaarihii shalay ee KGS Iyo Galmudug, Taageerayaasha  Kooxda Maamulka Galmudug ayaa weerar toos ah ku qaaday Kooxda Konfur Galbeed ka socday taas oo ay ka dhalatay dhaawacyo soo gaaray qaar ka mid ah Ciyaartoyda.

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha maamulka Koonfur Galbeed ayaa dhankeeda ku dhawaaqday in ay isaga baxeen tartanka ka socda garoonka Stadiom Muqdisho, kadib weerarka lagu qaaday ciyaartoyda mataleysay.

Eedaha ugu badan ayay Dadku  u jeedeen  Laamaha Amniga Dowladda Federaalka oo adkeyn waayay Amaanka Garoonka gudihiisa, dibadiisaba iyo Mas’uuliyada Amniga Ciyaaryahanada ka qayb galaya tartanka maamul goboleedyada, ku darsoo Waxase falcelin kale  ka dhalatay Agaasimaha NISA Mahad Salaad oo  dhiiragalin ugu tagay cayaartooyada Galmudug , iyadoo dhaawacyada kuwa KGS ay yaalaan isbitaalada magaalada Muqdisho.

Falalkaan ayaa loo arkaa mid kala fogaynaysa Shacbiga Soomaaliyeed oo sanado badan ku kala irdhoobay nacayb xaga beelaha ah waxaana baraha bulshada qabsaday ficiladan iyo natiijo xumada ka dhalan karta.

300750cookie-checkRabshado & Naceyb Ka Dhashay Ciyaaraha Maamul-Goboleedyada & Laamaha Amniga oo Gabay Xakameynta..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com