Khilaafka Beelaha Mudulood Oo Xal Laga Gaaray

Somalia news

Kaddib markii koox laga soo abaabulay Villa Somalia oo caqabad ku noqday shir lagu waday 13-bishan in uu Muqdisho uga furmo Beelaha Muddulood oo u dhaxeeyay Siyaasiyiinta,Waxgaradka,Haweenka iyo dhaqanka, ayaa ugu dambeyn laga gaaray heshiis buuxa oo horseedi doona in shirka la qabto….

Shirkan oo la filayey inuu dhaco 13-kii July ayaa baaqday kadib markii xubno ka tirsan beesha oo ku xiran Villa Somalia ay horseedeen khilaaf qorshuhu ahaa in shirka lagu baajiyo. Kooxdan oo loo yaqaan GGF ayaa waxaa ku midoobay shaqsiyaad ku abtirsada beesha Muddulood oo qaarkoodna u shaqeeyaan dowladda, qaarna ay mushaar ka qaataan xafiisyada Villa Somalia & Xafiiska RW kheyre.

Kulanka waxaa ka qeyb galay; Cali Ugaas Cabdulle, Cali Mahdi Maxamed, Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud, Muuse Suudi Yalaxow Ugaas Maxamud Cali Ugaas, C/qaadir Macalin Nuur, Cali Maxamed Geedi iyo xubno kale waxaana isku cafiyey Ugaas Maxamuud Cali iyo Muuse Suudi.

Dadaalada lagu xaliyay kala aragti duwanaanta iyo madmadowgii ka jiray qabanqaabada shirka ayaa waxaa hormuud u ahaa Madaxweynayaashii hore iyo Khaliif Cabdulqaadir Macalin Nuur iyo xubno kale.

Xalka laga gaaray khilaafka guud ee beesha ayaa yimid kadib markii sidoo kale xalay la xaliyey khilaaf gaar ah oo u dhaxeeyey Siyaasiyiinta qaarkood iyo Odayaasha Dhaqanka. Waxaana lagu booriyay iney u istaagaan sidii loo mideyn lahaa Loona xoojin lahaa walaatinimada Iyo wada Shaqeynta danta Beesha.

48460cookie-checkKhilaafka Beelaha Mudulood Oo Xal Laga Gaaray