Ma Dhabaa in Dowladda Federaalka Oggolaasho Shaqo Siisay Laba Bangi

Somalia news

Ilo wareed loo qaateen ah ayaa sheegay in Maamulka Xasan Sheekh ayaa in dhawaan ay bixiyaan Shatiga 2-Bangi oo mid laga leeyahay Dalka Turkiga halka kan kale la sheegay iney iska leeyihiin Dalka Egypt, iyadoo Arrintaan ay dib u dhacday dhowr jeer…

Wararka ayaa sheegay in dib u dhacaan lagu minceeyay in Maamulkii Farmaajo ay ka caga jiideen iney bixiyaan ruqsada Bangiyadaan, iyadoo Bangiga ZiraatBank ee Turkiga uu ka mid yahay, halka Bangiga Ganacsiga ee Masar isna la sheegay in Xasan Sheekh uu ku amray Gudoomiyaha Bangiga Dhexe inuu u fududeeyo Oggolaasha ka howl gelida Dalka.

Wararka ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu Safar ku tegi doono dhawaan Dalka Turkiga, xiligaasina la siin doono Oggolaasha ruqsada, Talaabadaan ayaa la sheegay iney welwel xoogan ku abuurtay Ganacstada iyo Bangiyada gudaha, iyadoo la sheegay in Xiligii Farmaajo in Dowladda Ethiopia ay culeys ku saartay in aan Ruqsad shaqo la siinin Bangiga Egypt oo xiisado biyaha Wabiga Nile kala dhaxeyso.

198180cookie-checkMa Dhabaa in Dowladda Federaalka Oggolaasho Shaqo Siisay Laba Bangi