Ma Dhabaa in Xiisado dib uga soo Cusboonaaday Gobolka Gedo Lagu Dhameeyay Kala furfur

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya degaano hoos taga Gobolka Gedo ayaa sheegaya in xiisadihii siyaasadeed ee ka taagnaa Degmooyinka Beled xaawo iyo Doolow, ay hoos dhacday kadib markii fara gelin noocyo kala duwan ah oo ka timid Xafiisyada Dowlada Federaalka ee magaalada Mogadishu…

Talaabada hore ayaa waxey ka timid Gudoomiyaha Aqalka sare Mr.Cabdi Xaashi oo la sheegay inuu xiriir la sameeyay Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) kuna wargeliyay inuu si deg deg ah ku soo galo magaalada Mogadishu, iyadoo si cad loogu sheegay in talaabooyin aan la cayimin la qaadi karo hadii uu ka dhega adeygo amarka.

Dhanka kale Talisyada Boliiska iyo Xoogga Dalka ayaa la sheegay iney xiriir la sameeyeen Saraakiil Ciidan oo ku sufam Degmada Doolow kuwaasoo lagu eedeeyay iney Ilaalo u direen Siyaasiyiin Gobolka ka soo jeeda oo halkaasi dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed ka waday mid kastana doonaayay inuu saameyn ku yeesho Siyaasada Gobolka.

Iyadoo la sheegay in Mr.Cabdirashiid Janan oo muddo dhaqdhaqaaqyo ka wada degaanada kor ku xusan ay dib u dhac ku timid howlihii dib u abaabulka Maleeshiyadiisa iyo Gadiidkii dagaal ee uu hore u heystay, iyadoo Ciidamadaasi ay ku gacan seyreen dalabkiisa waxeyna ku biireen Ciidamada Dowladda Federaalka ee Degmada Beled xaawo.

234670cookie-checkMa Dhabaa in Xiisado dib uga soo Cusboonaaday Gobolka Gedo Lagu Dhameeyay Kala furfur