Maxey Yihiin Caqabadaha Ku Horgudban Horumarka Bangiyada

Business Somalia news

Bankiga dhexe ee Somalia, ayaa waajibaadkiisa shaqo ee u xil saaran yahay ayaa waxaa ka mid ah, Control-ka Banggiyada gaar ah, Xog uruurinta Koca Dhaqaalaha iyo daraasaadka maalgashiga , ilaalinta qiimaha Lacagha Dalka iyo kuwa Shisheeye, walaac iyo iskudheelitirka dhaqaalaha, Intaas waxaa u dheer, maamulka iyo dejinta siyaasada dhaqaalaha…

Sanadihii ugu dambeeyay Hanaanka Bangiyadu waxay door muhiim ah ka ciyaaraan dhaqaalaha, iyagoo adeegyo u fidinaya macaamiisha doonaya inay lacagtooda kaydsadaan. Sidoo kale waxay gacan dhaqaale u fidiyaan macaamiisha doonaya inay helaan maalgalin ganacsi oo cusub ama sii balaariyaan ganacsigoodii hore.

Bangiyadu waa hay’ado lacageed oo ka shaqeeya soo deynsashada (Borrowing) iyo deyminta (Lending) lacagaha. Taas macnaheedu waa in bangiyadu u dhexeeyaan dadka haysta lacag dheeraad ah oo aanay hadda u baahnayn iyo kuwa u baahan lacag dheeraad ah si ay ugu furdaamiyaan hawl markaas iyaga ku taagan.
Sidee ayay khubarada dhaqaalaha ku takhasusay ugu fasiraan.

Bangiyadu waxay lacag ka qaadaan macaamiisha u baahan inay lacag keydsadaan, iyagoo sannadkii ugu celiya qaddar dulsaar ah (annual Interest Rate) oo lacagtoodii ugu korodhay. Isla lacagtaas ay macaamiisha ka qaadeen ayay badh ka mid ah u istcimaalaan inay deymiyaan macaamiil kale iyagoo kula heshiinaya dulsaar go’an (Interest). Labada dulsaar ee midna lagu sameeyey macmiilka deynsadaha midna loo sameeyey macmiilka deymiyaha ah (macmiilka kolka hore Bangigu lacagta ka qaaday) marka la kala jaro wixii soo hadha ayaa ah faa’iidada bangiga. (Sidan waxaa u shaqeeya Bangiyada Caalamiga ah ama aynu u naqaano Bangiyada Ribawiga ah).

MAXAA HORMARKA KA HORTAAGAN BANGIYADA SOMALIA:-

Hadii dib loogu noqdo sababaha ay Bangiyada Dalku Horumar dhaqaale u sameyn la’yihiin, Waxaan ukala qaadeynaa labo sabab

SAAMEYN GUDAHA AH ? Internal factor
IYO SAAMEYN DIBADA AH ? External factor

SAAMEYNTA GUDAHA

Somalia waxaa ka diwaan gashan oo ka hawlgala bangiyo badan kuwaasoo fidiya adeegyada maalgelin iyo keydka dadweynaha .
Bangiyadaasi maahan kuwo mideysan waxaana mid walba oo ka midaa shati ama sharci uu ku shaqeeyo ka heysta Bangiga Dhexe Somalia .

Waxaa jira dhawr arimood oo saameyn iyo caqabad ku ah hormarka iyo iney la jaan qaadaan kuwa caalamka.
-Ma mideysana Wada shaqeyn xoogana kama dhaxeyso.

-Saameynta Amniga, warbixin ay soo saartey Qaramada Midoobey waxaa jira in kooxda Argagixisada ay ku keydsadaan kuna leeyihiin xisaabaad bangiyada Dalka.

-Shaqo abuurka Dhalinyarada, Bangiyada gaarka ayaa weli Waxaa saameyn ku leh Hanaanka shaqo qorista Qabiilka iyo eexda ku dhisan, iyadoo aan tixgelin la siinin Dhalinyarada Jaamacadaha ka soo baxa doona barta Cilmiga Dhaqaalaha.

LIISKA BANGIYADA SOMALIA EE GAARKA LOO LEEYAHAY :

1: Dahabshiil International Bank
2: Amal Bank
3: Amaano Bank
4: Daarusalam Bank
5: Trust Africa Bank
6: My Bank Limid
7: Agro Africa Bank
8:Salaam Somali Bank
9: International Bank Somaliya (IBS)
10: Premier Bank
11: Daryeel Bank
12: Sombank
13: First Somali Bank

150580cookie-checkMaxey Yihiin Caqabadaha Ku Horgudban Horumarka Bangiyada