Maxaa Siyaasiyiinta Xiligaan ku Qasbay Iney Ku Beer-Laxawsadaan Mareykanka Hadal-jeedintii Wasiirka 1-aad..

Somalia news

Dhawaan ayeey aheyd markii Wasiirka 1-aad ee Dowladda Federaalka uu cad u sheegay in Xasuuqa ay wadaan Ciidamada Yuhuuda aan aqbali karin, isla markaasna ay taageersan yihiin Xoogaga Xamaas ee dagaalada xornimo doonka ay kula jiraan Ciidamada Yuhuuda oo muddo 31-Maalmood duqeyn ku haya Magaalada Gaza…

Waxaa haatan hadalkaasi oo ay aad uga xumaadeen reer Galbeedku, hase yeeshee Shisheeye iyo Siyaasiyiin ka soo kala jeeda Puntland iyo Somaliland ayaa fursad ka raadinaaya inay hadalka RW Xamse u adeegsadaan inay beer-jileec uga helaan Maraykanka iyo Sahyuuniyadda caalamiga ah, iyagoo ku doodaya in aragtida Xamse ay wada qabaan Shacbiga Dalka oo ay laftoodu ka mid yihiin.

https://x.com/saeed_jsl/status/1613150380631949313?s=46&t=ULdzLZsDXJ_GmmSfmTsWjw

Inkastoo Dhawaaqyadaasi aysan jecleysan Maamulada USA, EU & UAE kuwaasoo daaha gadaashiisa ka haga Siyaasada Arrimaha Dibeda Maamulka Xasan Gurguurte, Waxeyna wadaan iney Gurguurte culeys ku saaraan inuu Xilka ka qaado isagoo u maraaya Xildhibaanada diyaarna ay la yihiin iney bixiyaan dhaqaalaha ku baxaaya Kalsooni kala noqoshada Wasiirka 1aad Mr.Xamse Cabdi Barre.

Si kastaba, Madaxweynaha Maamulka Gooni goosadka Somaliland ayaa cambaareeyay Duulanka iyo Xasuuqa ay wadaan Ciidamada Yuhuuda, Waxaa kale oo ceeb lagu tilmaamay in qaddiyad ummad Muslimiin ah la iskugu adeegsado dano siyaasadeed oo gaaban.

286360cookie-checkMaxaa Siyaasiyiinta Xiligaan ku Qasbay Iney Ku Beer-Laxawsadaan Mareykanka Hadal-jeedintii Wasiirka 1-aad..