Maxaa ka Run ah in Maskaxdii ka Dambeysay Weerarkii Hotelka SYL uu ka shaqaale ka ahaa Baarlamaanka..

Somalia news

Macaluumaad ayaa tilmaamaya in Maskaxdii ka dambeysay weerarkii lagu qaaday Hoteelka SYL lagu tuhmaayo inuu soo abaabulay fududeeyay mid ka mid shaqaalaha qeybta Korontada ee Baarlamaanka Federaalka, waana markii 2-aad oo ay adeegsadaan Kooxda Shababka Shaqaalaha Baarlamaanka..

Sida xogo loo qaateen ah ay xaqiijinayaan in Liibaan Maxamed Maxamuud oo ka tirsan Shaqaalaha Korontada Aqoonsigiisa laga helay mid ka mid ah Meydadkii kooxda soo weerar tagtay wuxuuna Baarlamaanka uga howl galaayay Farsamo yaqaan xagga Dabka, iyadoo la xaqiijiyay inuu Shaqsigaan todobaadkii ugu dambeeyay xiliga Afurka uu dhowr jeer sahan ahaan u tagay Goobta Afurka loogu sameeyay Xildhbaanada.

Inkastoo Howlwadeenada Baarlamaanka ay iska fogeeyeen inuu Ninka Magacaasi wata uu ka shaqeeynaayay Baarlamaanka, horey ayeey Bishii December 2022-kii, ayaa lagu eedeeyay Wadihii Gaariga Gudoomiyihii Baarlamaanka (Maxamed Mursal) lagu eedeeyay xiligaasi fududeeyay weerarkii lagu Qaaday Hotel ku dhow Madaxtooyada kadibna u baxsaday Dhanka kooxda Shababka.

 Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri), Xoghayaha Baarlamaanka ayaa sheegay in ID laga helay Hoteelka SYL uu been abuur yahay, inkastoo xogo loo qaateen ah ay tilmaamayaan in Shaqaalaha Baarlamaanka oo qaraabonimo lagu qoray aan la marsiinin Baatistii loo baahnaa haatana laga cabsi laga in weli joogaan Unugo suuxsan oo shaqo diyaar u ah (Cell sleep).

315550cookie-checkMaxaa ka Run ah in Maskaxdii ka Dambeysay Weerarkii Hotelka SYL uu ka shaqaale ka ahaa Baarlamaanka..