Share the post "Boliiska Gobolka Oo Shabakad isku xiran ka qabatay Garoonka Diyaaradaha Mogadishu"
Howlgal ay ka fuliyeen Xoogaga Amaanka ee Dowladda Federaalka, gaar ahaan kuwa Boliiska ayaa Garoonka Diyaaradaha Mogadishu ayeey ku qabtay Shabakad isku xiran kuwaasoo lagu eedeeyay iney wadeen falal ja baxsan sharciga iyo wax is-dabamarin..
Wararka ayaa sheegay in Kooxaha Baarista Boliiska ay xabsiga dhigeen 5 Sarkaal oo ah oo qeyb ka ahaan Shabakad ballaaran oo Boliiska uga shakisan yahay in ay Musuq-maasuq iyo Wax-isdabamarin ka dhex wadeen Xafiisyada Maaliyadda iyo lacag-qabashada guud ee adeegyada dadweynaha ka bixiya garoonka.” ayaa lagu yiri qoraalka.
Saraakiishaan ayaa sidoo kake lagu eedeeyay inay diyaarsadeen warqado been abuur ah, ayna ku lunsanayeen daqlkhliga Dowladda iyo hantida dadweynaha, “Been-abuurtay Buugta iyo Xaashiyaha lacag-qabashada guud ee dowladda ayna Lunsatay dakhli dowladdu leedahay oo ka yimaada Fasaxyada Shaqada (Work permit) Buugta iyo Xaashiyahaas been abuurka ah ayay kooxdu ku lunsanaysay kuna boobayey lacagta iyo hantida dadweynaha”.