Maxaa Dowladda ka hortaagan iney Xanibaan/Xayiraan Lacagaha Baada ee Kooxda Argagixisada Qaadaan..

Somalia news

Inkastoo Dowlada ay sheegatay iney bilaawday duulaan dhinac badan, isla markaasna ay xooga saartay in degaanada ay heystaan laga xoreeyo, haddan waxaa dhinaca kale ka soo baxaaya warbixino tilmaamaya in Kooxdaani ay weli Baada ku qaado Degaano hoos taga Degmooyinka Afgooye iyo Balcad…

Dowladda ayaa sheegtay in gulufkaan uu qeyb ka yahay sidii loo curyaamin lahaa dakhliga Balaaran ee baada kaga hesho Ganacsatada iyo Shirkadaha, Prof.Kabire ayas sheegay “Awooda ay Dowladdu ku xakameyneyso dhaqaalaha ay kooxdu hesho uu yahay mid hooseya isla markaasna Dagaalada ay dowladu ka wado degaanada Galguduud uu yahay mid wakhti dhumis ah”, wuxuuna intaasi raaciyay in Shaqada kooxdu weli u socoto sidii hore Ganacsatada iyo Dadka Caasimada degen looga yeero Maxkamada bugta ah oo ay ku leeyihiin Dukeedka Magaalada Mogadishu”,

Dakhliga Kooxda Shababka

Kooxda ayaa ki guuleysatay iney soo uruuriyaan dhaqaale dhan 120-Millions US$, iyadoo qeyb ka mid ah dhaqaalahaasi oo dhan 24-Millions US$ la sheegay iney hub iyo rasaas kaga iibsati Suuqyada madow ee magaalada Mogadishu iyo Dalka Yemen, sida lagu xusay Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay.

Farsamooyin kala duwan oo ay ugu horeyso Qoriga/Bistoolada caaradooda, caga-jugleyn iyo xeelado kale oo laga soo minguuriyay Kooxaha Maafiyada ayeey adeegaadaan sida baada looga qaado Ganacsatada, Dadka iska leh hantida ma guurtada leh & Shixnadaha laga soo dejiyo Dekada Magaalada Mogadishu.

252440cookie-checkMaxaa Dowladda ka hortaagan iney Xanibaan/Xayiraan Lacagaha Baada ee Kooxda Argagixisada Qaadaan..