Boliiska Kampala Oo Qabtay Somali Lagu Eedeeyay Qaraxyada

Africa News

Warar dheeraad ah ayaa laga soo sheegaya Howlgalo ay fuliyeen Boliiska Magaalada Kampala ee Dalka Uganda, iyadoo lagu soo qabtay 4-Qof oo Somalia ka soo jeeda, kuwaasoo lagu eedeeyay iney walxaha qarxa geleen Dalkaasi, isla markaasna ku xireen Gaari…

Afhayeenka Amaanka (Boliiska) Fred Enanga ayaa sheegay in walxha qarxa lagu qabtay baaris lagu sameeyey baabuur yaallay hotel-ka Speke Munyonyo, “Kooxda wada-jirka ah ee ka hortagga argagixisanimada waxay gacanta ku hayaan afar qof Soomaali ah,” waxaa sidaas yiri Enanga oo la hadlay wakaaladda wararka AFP.

Hoteelkaan Oo caan ka ah Magaalada ayaa horey u marti-geliyey kulan madaxeedyo, waxaana lagu wadaa in Khamiista berri ah lagu qabto kulanka Golaha Wasiirada, oo uu Gudoominayo Madaxweyne Yoweri Museveni, Boliiska ma shaacin magacyada Soomaalida la xiray.

Qaraxyadaan ayaa Dal la xiriiriyay laba qarax oo dhacay bishii tagtay – mid lala beegsaday bas marayey meel u dhow Kampala oo ay dhowr qof ku dhaawacmeen, iyo mid ka dhacay maqaayad ku taalla caasimadda oo haweeney ay ku geeriyootay.

152460cookie-checkBoliiska Kampala Oo Qabtay Somali Lagu Eedeeyay Qaraxyada