Boliiska Somalia Oo Ka Codsaday Interpol iney u Fududeeyaan Soo Gacan Gelinta Axmed Madoobe..

Security Somalia news World

Faahfaahin ayaa laga helayaa Codsi uu Hogaanka Xiriirka Dibeda ee Boliiska Soomaaliyeed u gudbiyay Xafiiska Boliiska Caalamiga ah (Interpol) kaasoo fadhigiisu yahay magaalada Paris ee Dalka France iney u fududeeyaan soo qabashada Hogaamiyihii hore Maamulka Jubbaland…

Wararka ayaa sheegaya in Hogaanka Boliiska Soomaaliyeed ay u direen Xafiiska Interpol codsi ku saabsan soo saarista digniin caalami ah (Red Notice) oo ka dhan ah Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), waxeyna ku eedeeyay qodobo dhowr ah oo ay ku jiraan Dilal Qorsheysan, Afduub iyo Ku tagrifal Awooda Maamulka Gobolka, hadii ay aqblaan waxaa shaki geli doonta inuu Dalalka Kenya iyo UEA uu safaro ku tago sababo la xiriira iney xubno ka yihiin Xafiiska Interpol.

Red Notice-ka oo ay Interpol soo saarto waa codsi caalami ah oo ku saabsan qabashada qof loo haysto Dembiyo culus, Dowladaha Xubnaha ka ahna ku qasban yihiin iney fuliyaan soo qabashada Caalamiga ah, Dalabka Boliiska ayaa ka dhigan tallaabo siyaasadeed oo ku qotonta in la helo taageero caalami ah si Axmed Madoobe loo horgeeyo cadaaladda.

351280cookie-checkBoliiska Somalia Oo Ka Codsaday Interpol iney u Fududeeyaan Soo Gacan Gelinta Axmed Madoobe..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com