Ma Dhabaa in Madaxweynaha uu Safar ku Kala Bixinaayo Dalalka Burundi iyo Ruwanda..

Africa News Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in Madaxweynaha Somalia uu qorsheystay inuu safar ku kala bixiyo Dalalka Rwanda iyo Burundi halkaasoo uu kaga qeyb geli doono Kulan ay leeyihiin Wadamada Ciidamada ay ka howlgalaan (ATMIS) Somalia & Deeq Bixiyayaasha…

Wararka hordhac ah ayaa sheegaya in ujeedada Safarka Madaxweynaha ayaa salka ku heysa in mudada Ciidamada ATMIS sii joogayaan Dalka ay sii kordhiyaan oo uga qeyb qaataan Wajiga 2-aad ee Howlgalka bacdamaa Wajigii 1-aad ay ka baaqsadeen iyo iney (Somalia & ATMIS) wadajir u dalbadaan taageero dhaqaale.

Wararka ayaa sheegay in Mr.Xasan Sheekh uu sidoo kale Safar ku tegi doono magaalada London ee Boqortooyada UK, iyadoo ay ka mid tahay Dalalka ka taageera tababarka Ciidamada gaar ahaan kuwa Maamulka Konfur Galbeed, ku darsoo waxaa kaloo lagu gorfeyn doonaa Qaxootiga Africa ee taga Europe iyo UK, iyadoo la qorsheynayaa in dib loogu soo celiyo 3-Dal Africa ka mid ah, halkaasoo ay ku sugi doonaan in la oggolaado in la qaabilo, iyadoo haatan Dalka Ruwanda dib loogu soo celiyay Qaxootigaasi.

287590cookie-checkMa Dhabaa in Madaxweynaha uu Safar ku Kala Bixinaayo Dalalka Burundi iyo Ruwanda..