Hey’adda NISA oo Xayiraad ku soo Rogtay 14-Mareegto oo Internet-ka oo Xiriir la leh Kooxaha Argagixisada..

Somalia news

Qoraal ay soo saartay Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Somalia ayeey ku dhawaaqday iney hawada ka saartay 14 Mareegaha Internet-ka oo xiriir la leh kooxaha xagjirka ah, kuwaasoo lagu faafin jiray Afkaaraha xag-jirnimada isla markaasna lagu marin habaabin jiray Dhalinyarada Soomaaliyeed…

Qoraalka ayaa Hey’addu sheegtay in dadaalkan uu qaatay muddo bilo ah ayna ka qeyb qaateen uruurinta xogta, baaritaannada iyo ogaanshaha dadka ka dambeeya diiwaan gelinta mareegaha. Talabadaan ayaa kusoo beegmeysa maalin kadib markii NISA ay xirtay ku dhawaad 20-koox oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab Whatsapp.

Waxaa kaloo xayiraad la saaray Lambaro Talefoon oo gaaraya 2500-xubnood kuwaasoo laga mamnuucay iney adeegsadaan ku hadalka OTT sida WhatApp-ka iyo wixii la mid ay, Howlgalkaan ataa qeyb ka ah dagaalka lagula jiro kooxaha Argagixisada ee dhibaatada ku haya Shacbiga Soomaaliyeed.

305340cookie-checkHey’adda NISA oo Xayiraad ku soo Rogtay 14-Mareegto oo Internet-ka oo Xiriir la leh Kooxaha Argagixisada..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com