Ma Dhabaa in Dalka UAE loo Oggolaaday Iney Dalka Soo geliyaan Calooshood u Shaqeystayaal

Somalia news

Cabasho ayaa ka soo yeereysa Heshiiska amniga ee Somalia iyo UAE ee dhawaan kala saxiixdeen, iyadoo Heshiiskaan awood buuxda lagu siinayo iney saldhigyo ku yeeshaan Gudaha Dalka Imaaraadka Carabta ayaa durba bilaabay fulinta qodobkan, iyadoo saldhigyo ciidan ay ka dhisteen Gobolada Bari, iyo Jubada hoose Kismaayo, waxeyna ku soo daabulaan gaadiid dagaal & Agab kale…

Aqoonyahannada dhaliila Heshiiskaan ayaa dul istaagay inuu qatar ku yahay Qaranimada iyo Madaxbanaanida Dalka, isla markaasna uu Dalka dib ugu celinaayo Gumeysi, Talabadaanina wax la aqbali karo ma ahan, waana ayaan darro in Madaxtooyada ay xamakeyso howlaha Laanta Sharci dejinta iska markaasna si jujuub ah Xildhibaabada lagu qasbo in la meel mariyo heshiiskaan.

Ilo loo qaateen ah ayaa sheegay in shuruudaha Heshiiskaan uu u oggolaanaayo UAE iney:-

– Saldhigyo Ciidamo ku yeeshaan Magaalooyinka Berbera, Boosaaso, Mogadishu iyo Kismaayo

-Iney Dalka soo geliyaan Calooshood u shaqeystayaal & Xoogag hubeysan oo Beelaha Soomaalida qaarkood laga soo xulaayo Degaanada kor ku xudan.

-Iney dhistaan Unugyo Sirdoon oo Dowlada ka madax banaan, kuwaasoo Diyaaradaha Drones-ka u isticmaalan xog uruurinta iyo Khaarijinta.

-Iney si xor ah u sameeyaan Sahmin macluumaadka la xiriira Kheyraadka Dalka, awoodna ku difaaci karaan hadii ay Muwaadiniinta Soomaalida gadood ka sameeyaan.

In Dowladda Federaalka ay damaanad qaado Ficilada ka baxsan Sharciga Calooshood u shaqeysatayaasha u geystaan Muwaadiniinta Soomaalida ama dil bareer ah u geystaan, Malafka (Galka) la xiriira UAE uu Madaxweynaha ka wareejiyay Wasaarada Arrimaha Dibada una Xil Saartay Gabadhiisa.

250090cookie-checkMa Dhabaa in Dalka UAE loo Oggolaaday Iney Dalka Soo geliyaan Calooshood u Shaqeystayaal
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com