He’yadda Caafimaadka Aduunka (WHO), ayaa ku eedeeyay Dowladaha Kenya, Zimbabwe, Uganda, Somalia iyo Nigeria, iney safka hore kaga jiraan kiisaska la la xiriirinaayo iney la musuq-maasuqay deeqihii, qalabkii iyo kharashkii loogu tala galay la-dagaalanka cudurka caabuqa ee Covid-19….
Kulan degdeg ah loogu yeeray Golahii Wasiirada ee Xil gaarsiinta ayaa lagu ansixiyay Guddi aan laga soo baarandegin, kuwaasoo loogu magac daray La-dagaalanka Musuqmaasuqa, Gudigaan ayaa loo dhisay si ay gabbaad iyo gaashaan xalaaleeya ugu noqdaan boobka hantida Qaranka ee xiligaan kala guurka ah.
Maxaa Loo Dhisay Guddigaan;-
-In lagu horjoogsado Mas’uuliyiinta Mucaaradka inay isu soo sharraxaan xilka Madaxweynenimo.
-Inay daboolaan dhaca iyo boobka hantida ee ay Mas’iiyinta iyo saarkiisha dowladdaan Sameysay, lana abuuro buuq iyo inay difaac galaan kooxaha mucaaridka.
-Inay lagu xakameeyo doodaha ka dhalan kara boobka, bowd-jebiska Shidaalka iyo dhaca dhaqaalaha ka haray deeqihii dalka la siiyey ee aan wali la isticmaalin,
Magacayada guddiga iyo Beelaha;-
- Maxamed Cabdikariim Ibraahim (Reer Aw-xasan) Muudeey ayaa adeer u ah.
- Cabdiweli Axmed Cumar (Ogaadeen) – Al-Ictisaam–Fahad ayaa wata.
- Xasan Khaliif Xasan (Mareexaan) Cabdishakuur Cali Mire ayaa keensaday.
- Maxamed Xuseen Xaamud (Gaal-jecel) Farmaajo (Xooggaga wadaniyiinta)
- Saciido Maxamed Xaashi (Xawaadle) Farmaajo ( Xoogaga wadaniyiinta)
- Amiin Axmed Sh. Cabdiraxmaan (Raxanweyn)- Mursal ayaa keensaday.
- Cabdullaahi Sh. Abuukar (Garre)- wasiirka cadaaladda Xasan Xaaji ayaa adeer u ah
- Khadar Axmed Diiriye (Isaaq) – Garxajis – Mahdi Guled ay qaraabo yihiin.
- Saamiya Saciid Xuseen (Gadabuursi) – Bayle ayaa adeer u ah.