Dadaalo Looga Hortagaayo Colaadaha Guricel Oo Fashilmay

Somalia news

Xidhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug iyo qaar ka mid ah Ganacstada degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa isku dayay iney waan-waan lagu qaboojinayo xiisada colaadeed Ee u dhaxeysa Maamulka Galmudug iyo Ururka Ahlusunna ee dhawaan la wareegay degmada Guriceel…

Xubnaha oo kulmay Madaxweynaha Galmudug Mr.Qoor Qoor iyo Sheekh Shaakir ayaa ka codsaday in ay joojiyaan abaabulka dagaal isla markaana xiisada u dhaxaysa ay ku xaliyaan wada hadal iyo is qancin si looga baaqsado dagaal dhiig ku daato oo ka dhaca Bartamaha Magaalada Guricel.

Qorqor ayaa shuruud ku xiray joojinta Colaada, isagoo sheegay iney Maleeshiyaadka Suufiyada ka Baxaan Guricel, isla markaasna hub ka dhigis lagu sameeyo kadibna Wada hadal laga galo, iyadoo la sheegay In Hogaanka Suufiyada ay ku gacan seyreen iney ka Baxaan degaanka Guricel.

Dhanka kale, ilo wareedyo ayaa sheegay in dhaqdhaqaaq iyo Abaabul colaadeed laga dareemay degaanka Oodaale oo 63-km ka xigta waqooyi galbeed Magaalada Guricel, iyadoo labada dhinac ay halkaasi ku uruuriyren Maleeshiyaad Hubeysan, Maamulka Villa Somalia ayaa u diray Magaalada Dhuusa mareeb gurmad hal Urur oo Xoogaga ay tababareen Turkiga ( Gorgor).

143940cookie-checkDadaalo Looga Hortagaayo Colaadaha Guricel Oo Fashilmay