Dagaal Ka Dhacay Degmada Balcad

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee Gobolka Shabeelada dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyaadka ka tirsan Kooxda Shababka ayaa saakay waxaa ay weerar kedis ah ku qaadeen degmada, iyadoo ay ka soo baxaayaan warar kala duwan…

Sida ay u sheegeen Diinah.com news Goobjoogayaal, Dirirta ayaa saacado kooban socday, waxaana kooxda dableyda ah u suurto gashay iney la wareegeen gacan ku heynta afar Xaafadood oo ka mid ah kuwa degmada Balcad. iyagoo saldhiga degmada Balcad ka sii daayeen maxaabiis aad u fara badan, kuwaasi  oo ku  eedeysnaa dambiyo  kala duwan.

Dhanka kale Warbaahinta ku hadashay kooxda argagixisada ayaa sheegatay inay gacanta ku dhigeen xarunta maamulka degmada Balcad, saldhigga Booliska, xabsiga dhexe iyo dhammaan koontaroollada lagasoo galo magaalada, Degmada Balcad oo 30 Km dhanka waqooyi ka xigta magaalada caasimadda ah ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay ka dhacayay weeraro ay Al-Shabaab ka fulinayeen wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar.

59520cookie-checkDagaal Ka Dhacay Degmada Balcad