Maxaa Xal & Nabad Waarta Looga Hirgelin la’yahay Colaadaha Saaxo-Meygaag & Sange-jebiye

Somalia news

Macluumaad ayaa muujinaaya in Colaadda ku salaysan deegaameynta Saaxmeygaag iyo Sangejebiye ay noqotay mid weli xal loo la’yahay ka sokow dadaallo nabadeed oo la sameeyay,  Haddii ay sidan ku sii socoto waxay reebi kartaa kala-aammin-bax iyo nabad-ku-wada-noolaansho la’aan muddo dheer taagnaan doonta…

Maxaa hortaagan Xal Nabadeed oo Waara:-

Beelaha ka soo kala jeeda degaanada Garoowe iyo Boocame oo muddo isku hayay Degaanka iyo daaqa, isla markaasna dhowr jeer loo saaray Guddiyo xal u helidda colaadda kuwii ugu dambeeyay ayaan ku fashilmay iney soo saaraan warmurtiyeed la isku raacsan yahay, waxaana farta lagu goday in Saameynta xurgufta Siyaasada iyo Maamulada Puntland iyo Somaliland aysan meesha ka marneyn.

Waxaa la sheegay in Magaalada Laascaanood ay maamulaan Somaliland iyo Maleeshiyaad degaanka ah oo taageersan, waxeyna ka qeyb galaan Colaadaha labada Beel sida aysan Maamulka Dani uusan uga marneyn inuu si hoose u taageero mid ka mid ah beelaha dirirtu ka dhaxeeyso, waana halkaasi meesha ay sartu ka quruntay.

Doldoleelada Wadahadalada:-

Habka wadahadallada loo abaabuulay wuxuu leeyahay dhowr iimood oo dib u soo nooleyn kara colaada, Dhanka Boocame mar waxaa matalayay siyaasiyiin sida Axmed Karaash (Madaxweyne ku xigeenka Puntland) iyo Cabdixakiim Camey (Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland), halka dhanka Garoowe ay matalayeen Islaan Ciise, Suldaan Garaase iyo odayaal dhaqameedyo kale, Marnaba laguma guuleysan in Saaxmeygaag iyo Sangejebiye inay Puntland ka tirsan tahay lagu heshiiyo, Caqabaddan waxay la xiriirtaa sida Puntland u sheeganayso Sool oo ka soo jeedda heshiiskii 2016kii dhexmaray Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Cabdiweli Gaas (Madaxweynihii Puntland 2014-2019), Heshiiskaas wuxuu meesha ka saaray matalaaddii heer Federaal uu dhaqdhaqaaqii Khaatumo haystay (5 xildhibaan) kaddib heshiis Juunyo 2012kii dhacay oo Puntland siiyay inay 3 xildhibaan soo magacawdo, ay ka mid yihiin kuwa Boocame “Baho Nugaaleed”).

Heshsiiskii wuxuu ku kallifay Khaatumo inay Somaliland heshiis la gashay 2017, kaddibna taageertay dagaalkii Tukaraq oo ay Somaliland ku sababaysay in lagu difaacayay dadka Koonfurta Sool iyo Tukaraq oo “weerarro joogto ah kala kulmay maamulka Puntland.” Dagaalkaas ayaa keenay in maamulka Somaliland gaaray ilaa Taleex.   

222440cookie-checkMaxaa Xal & Nabad Waarta Looga Hirgelin la’yahay Colaadaha Saaxo-Meygaag & Sange-jebiye
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com