Boobka Xulashada Xildhibaanada Oo Xowli Ku Bilaawday

Somalia news

Waxaa bilihii ugu dambeeyay Somalia si gaabis ah uga socday Xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee 11-aad, iyadoo Howlahaan boobka ah lagu tilmaamay doorasho, balse aan ahayn oo loo ekaysiiyay, iyadoo heerka musuq-maasuqa gaarey meeshii ugu sareysay…

Dhabana-heyska ay Doorashadaan soo kordhisay waxaa ka mid ah kursiga qof loo xirayo, Musharax malxiis ah oo taageeraya Shaqsiga uu la tartamaayo iyo madaxda Maamulada oo leh go’aanka qofka tartamaya iyo ergada dooranaysa, Sidoo kale waxaa cabsi gelin iyo Cago jugleyn lagu hayaan Odayaasha Dhaqanka iyo Haweenka isku soo sharaxo Kursiga.

Akhristoow ku darsoo, Doorashadaan laba garab ayaa loo kala baxay Maamulada, kuwa taageera Farmaajo, oo usoo saaraya Xildhibaanno, iyo kuwa kasoo horjeeda oo xulayo Xildhibaanno mucaarad ku ah Villa Somalia, Ilaa hadda 62-kursi oo kamid ah 275 ayaa la doortay tan iyo sanadkii tagey, waxaana dhiman 213, oo la doonayo in 30 maalmood lagu soo doorto, maadaama lagu heshiiyay 40 maalin.

Rooble waqti badan buu geliyay inuu doorasho wadar-ogol ah, oo hufan qabto, balse dagaalka siyaasadeed ee uga furan dhinaca Farmaajo iyo Mucaaradka ayaa curyaamiyay dadaalkiisa, Waxay hadda Rooble ka taagan tahay xaaladda mar lee i dhaaf i doorashadda madaxeyga cadeysay, sida ay doonaan kusoo baxeen Xildhibaanada. Tani ayaa fududeysay boobka kuraasta.

164260cookie-checkBoobka Xulashada Xildhibaanada Oo Xowli Ku Bilaawday