Mas’uuliyiin Ka Tirsan Ururka ONLF Oo Mogdishu Ku Soo Wajahan

Somalia news

Warar hordhaca ah ayaa la helayaa Wafdi ay horkacaayaan Guddoomiyaha ururka ONLF, Dr.Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Mahdi (Maadeey) iyo Halgamaa Cabdikariin Sheikh Muuse (Qalbi dhagax) ayaa maalmaha soo socda booqasho rasmi ah ku imaan doona magaalada Muqdisho…

Sida loo xaqiijiyay Warsidaha Diinah.com news, Wasiirka 1-aad ee Dowladda Federaalka Somalia ayaa martiqaad rasmi ah u fidiyay Mas’uuliyiinta Ururka ONLF, arrintaas oo daba socota raalli galintii golaha wasiiraddu ka bixiyeen dhiibistii Qalbi dhagax.

Raysal wasaare Rooble iyo xukuumadiisa ayaa wada abaabulka munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayso masuuliyiinta ONLF, waxaana ujeedadu tahay in golaha wasiiradda hortooda lagu raalli galiyo Cabdikariin Qalbi dhagax iyo ONLF.

Maamulkii Xasan Cali Kheyre ayaa sannadkii 2017, Qalbi dhagax u dhiibtay Dowladda Ethiopia oo markaas ugaarsi ku haysay cid kasta oo ka tirsaneyd Ururka Xaq-u-dirirka ee ONLF. 

Xukuumadaasi waxay sidoo kale qaaday tallaabo ay ONLF ugu aqoonsatay urur Argigixiso, arrintaas oo dhalisay cambaarayn iyo mudaharaadyo loogasoo horjeeday oo ka dhacay qeybo kamid ah Dalka.

164300cookie-checkMas’uuliyiin Ka Tirsan Ururka ONLF Oo Mogdishu Ku Soo Wajahan