Doorashada Somalia Oo Wajaheysa Caqabado Dhaqaale

Somalia news

Warbixino hordhac ah Ayaa muujinayaa in Wakiilada Beesha Caalamka ay ay aad u saluugeen hananka loo diyaarinaayo Doorashada dadban ee dalka, waxeyna sheegeen ineysan iney muuqaneyso ifafaalo tilmaamaya in Qorshe Ku shubasho iyo wax is daba marin, ay diyaariyeen Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo…

Sida ay muujinayaan Warbixinadaan Saaxiibada Caalamka Ee Somalia ayaa si cad ugu sheegay Madaxda muddo xileedkoodu dhamaaday iney diyaariyeen miisaaniyad Doorasho oo toos ah oo dadweynaha u cadeeyaan, sidaas darteed Waxaa lagu wargeliyay ineysan heynin qoondo dhaqaale oo Doorashada tooska ah oo xiligaan ka qabsoomto Somalia.

Mid ka mid ah Kulamada looga doodaayay Arrimaha Doorashada Somalia ayaa la sheegay in la isla meel dhigay qoondada dhaqaale Ee ku baxeysa Doorashada, inkastoo aaney Weli soo gaarin dhaqaalaha Doorashada, Wakiilada Beesha Caalamka ayaa ka fekeraaya sidii ay talaabo mideysan u qaadi lahaayeen hadii Doorashada ay noqoto Sida mida ka dhacday Ethiopia.

Si kastaba ha ahaatee dhaqaale la’anta soo wajahday geedi socodka Doorashada ayaa laga yaabaa iney saameyn weyn ku yeelato qabsoomida coddeynta la filaayo isla markaasna ay hor istaagto horumarkii ugu dambeeyay, iyadoo lagu Eedeeyay Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo inuu ku shubto Doorashada.

128780cookie-checkDoorashada Somalia Oo Wajaheysa Caqabado Dhaqaale