Howlgalo Lagu Burburiyay Maxkamad-beenaadyo ay Dhisteen Kooxda Argagixisada Shababka

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal gaar ah oo ay ka fuliyeen Ciidamada Dowlada Federaalka degaano dhowr ah oo ku yaal dhulka howdka ah ee u dhaxeeya Degaanada Gandershe iyo ilaa Lambar 50, ayeey ku burburiyeen Xarumo Dadka Baada looga qaadi jiray ”Maxkamad-beenaad”…

Wararka ayaa sheegay in Howlgalka Ciidamada Dowlada Federaalka ay ku burburiyeen dhowr fariisin oo kooxda argagixisada ku lahaayeen dhulka Howdka ah ee kala ah Maracadde, Ceelsaliini, Qodqodka iyo degaano kale, Howlgalkaan ayaa ahaa mid la qorsheeyay kadib markii la xaqiijiyay in kooxda Shababku ka sameysteen baro ay isku qariyaan kuna qaabilaan Ganacsatada iyo Dadka Dacwadaha loogu yeero.

Ilaa xiligaan ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay Kooxda Shababka sheegashada Ciidamada Dowlada, Horjoogayaasha Kooxdani ayaa 5-tii sano ee u dambeysay ku dhiiraday iney Baadaha ay ka qaadaan Ganacsatada shixnadaha kala duwan kala soo dega Dekeda & Garoonka Diyaaradaha kadib markii Maamulkii Fashilmay ee Farmaajo ka gaabiyay inuu xakameeyo is balaarinta kooxda Shababka.

213100cookie-checkHowlgalo Lagu Burburiyay Maxkamad-beenaadyo ay Dhisteen Kooxda Argagixisada Shababka
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com