Bulshada Cadaado Oo Diiday Iney Soo Dhoweeyaan Rooble

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga helayaa Dadwaynaha Degmada Cadaado Ee Gobolka Galguduud ayaa diidey iney soo dhawayaan Wasiirka 1-aad Ee Dowladda Federaalka Rooble oo maanta Cadaado ku soo wajahan…..

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegtay in Mas’uuliyiinta Degmada ilaa shalay ay ku jareen diyaar Garoowe ku Aadan soo dhoweynta wafdi balaaran ee uu Hogaaminayo Wasiirka 1-aad Mr.Rooble iyo Madaxwayne Qoor-Qoor waxaana dadwaynaha Magaalada ay sheegeen ineysan ku qanacsanayn imaanshaha Qoor-Qoor ee Cadaado ay diideen soo dhawayntiisa.

Waxaana ilaa hada Xarunta Madaxtooyada oo ah halka lagu soo dhawaynayo aan imaan wax dad ah xili la filayo in labo saac gudahood ay ku yimaadaan Cadaado madaxda Galmudug iyo kuwa Federaalka.

Sidee u aragtaa in Madaxwayne Qoor-Qoor oo Cadaado ka soo jeeda lagu soo dhawayn diido magaaladii uu ku dhashey.

79680cookie-checkBulshada Cadaado Oo Diiday Iney Soo Dhoweeyaan Rooble