Godadka Laga Jaangooyo Siyaasada Wareersan Ee Villa Somalia

Somalia news

Macluumaad ayaa laga soo sheegaya in Siyaasada wareersan (Fadhin) laga jaangooyo Magaalooyinka Dooxa, Nairobi iyo Addis Abeba, iyadoo Kooxo la Taliyayaal u ah Mr.Farmaajo ay siiyaan talooyin wareersan, waxaana marqaati ka ah talaabooyinka uu qaaday ee siyaasada khladaadka badan ka buuxaan kuwaasoo si aan laga fiirsan u fuliya, isla markaana horseeday inuu ku tunto Dastuurka iyo Shuruucda Dalka u degsan horseedayna inuu khalkhal galo jiritaanka Nidaamka Dowladeed… 

Dad badan oo u guur-gala siyaasadda Somalia ayaa isku qaban weyday, siyaasadda aan xirfadaysaneyn uu Mr.Farmaajo ka waday 3-sano ee ugu dambeysay, Aqoonyahannada iyo Siyaasiyiinta Soomaalida oo intooda badan ka digaayay Halka geediga Nidaamka Dowladeed loo wado.

Ilo wareeyo ayaa u sheegay Diinah.com news in kooxo isugu jira US, Somali, Ethiopian iyo Qatar ay la taliyaan Mr.Farmaajo, waxeyna hogaanka u haya jaangooynta siyaasadda dalka, halka mucraadka uu waqtigooda ku dhamaaday inay ka falceliyaan talaabooyinka uu qaado Farmaajo.

Siyaasada Soomaaliya waxa laga jaangooyaa magaalooyinka Naiorbi  iyo Addis Ababa, halkaas oo ay ku sugan yihiin qubaro si toos ah u fariisiya siyaasada Farmaajo”, sidaas waxaa u sheegay Diinah.com news Sara kaal sirdoon oo ajnabi ah kana gaabsaday in aan magaciisa la shaaciyo. Sarkaalkaan ayaa aad uga warhayo jaangoonta siyaasadad Farmaajo iyo xakamaynta mowjadaha siyaasadda dalka.

Sarkaalkaan ayaa intaasi raaciyay in “ Xasan Kheyre uu Yahay shaqaale u adeega Farmaajo, aragti siyaasadeed ma laha, mana laga wargaliyo howlaha siyaasadda. Nasiib xumo Soomaalida ayaa u aragta mas’uul ku fadhiya Kursiga Ra’iisal Wasaaraha laakiin dadka haga siyaasadda Farmaajo uma arkaan shaqsi mas’uuliyid lagu aamini karo ama leh aragti fog”.

Hadaba yaa haga siyaaadda Farmaajo?

-Danjire Donald Yamamoto Mareykan

-Alax Rondas Wakiilka EU-da Geeska Afrika

-Faarax Macallin Siyaasi

-Axmednaasir Cabdullaahi Qareen So-Ken-

-Axmed Aadan (Qareen) Mareexaan So-Ken
-Meles Alem Danjiraha Ethiopia ee Kenya.

44780cookie-checkGodadka Laga Jaangooyo Siyaasada Wareersan Ee Villa Somalia